𝐊𝐔-𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐊𝐔 𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐀𝐇𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐄𝐄 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐊𝐀𝐀𝐋𝐌𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐑𝐄𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀.

Ku-Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta daah furay kulan dhageysi dadwaynaha oo ku saabsan Hindise Sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare.

Ku simaha Guddoomiyuhu wuxuu dul istaagay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka u baahan kaalmo sharciyeed iyagoon awoodin in ay qabsadaan qareen u dooda xuquuqdooda, isla markaana ku booriyey ka soo qayb galayaasha in ay ku biiriyaan aragtidooda hindisesharciyeedka, wuxuuna tilmaamay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah ee aan haysan u qareemid sharciyeed.

Intaas ka dib, waxaa la guda-galay dhageysiga dadweynaha iyo aragtiyahooda iyagoo ka doodday islamarkaana dul istaagay cutub iyo qodob walba oo uu hindise sharciyeedka ka kooban yahay, iyadoo mid mid loo diiwaan-galiyey dhamman sojeedinnadii ay soo jeediyeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan hay’adaha iyo xafiisyada qaabilsan howlaha caddaalada iyo garsoorka, oo soo bandhigay aragtiyo wax ku ool ah, wax-ka-beddel, wax ku daris iyo siiqayn intaba.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha guddiga Garsoorka, Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Maxamuud (Gadhwayne), ayaa u mahadcelisay dhammaan marti-sharafta maanta ka soo qayb gashay kulanka dhageysiga dadweyne gaar ahaan bahda caddaalada oo aragtiyo wax ku ool ah ku biiriyay hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, iyadoo dhanka kalana tilmaantay ka guddi ahaan in ay ka go’antahay sidii ay u dhammaystiri lahayeen sharcigan islamarkaana ay u horgeyn lahaayeen golaha si Goluhu uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐈𝐁𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 𝐆𝐀𝐋𝐈𝐍𝐀𝐀𝐘𝐎 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐓𝐀𝐁𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐔 𝐋𝐄𝐇 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024