𝐌𝐀𝐃𝐀𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐄 𝐗𝐀𝐒𝐀𝐍 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐇 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐈 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐔 𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒.

Munaasabadda Furitaanka kalfadhiga Shanaad ee ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS, oo uu maanta si rasmi ah u furay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa goobjoog ahaa ku-simaha Gudoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuuur Madoobe oo ay wehliyeen ku xigeennada labada Aqal.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo hadal ka jeediyay munaasabdda furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka labada aqal ayaa dul-istaagay waxyaabihii u qabsoomay Aqalka Sare kalfadhigii afaraad, Muhiimiyadda shuruucdii la ansiyay iyo shaqooyinka hortebinta u leh Baarlamaanka 11-aad kalfadhigaan shanaad ee maanta furmay, waxa uuna guddoomiyhu madaxwaynaha ku bogaadiyay dadaalkiisa ku aaddan ladagalaanka Khawaarijta ee cadowga ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasa Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Dalka, ayaa jeediyay khudbaddiisa Dastuuriga ah eee Furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11-aad.