𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃 𝐊𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐈𝐒𝐓𝐈𝐂𝐌𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐋𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐇.

𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐎𝐎𝐃 𝐊𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐈𝐒𝐓𝐈𝐂𝐌𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐋𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐇.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 10-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

kulanka maanta oo ajandihiisu ahaa ka doodista lacagta shilinka Soomaaliga ah ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Owgaab Cismaan, wuxuu sanatarradda Aqlka Sare warbixin ka siiyay taariikhda lacagta Shilinka Soomaaliga, heerarka ay soo martay iyo hadda halka ay marayso, isagoo soo jeediyay in goluha oo gudanaya waajibaadkiisa ay door ka qaataan xallinta baahida shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan Isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga.

intaas ka dib Sanatarrada Aqalka Sare oo ka qayb qaatay doodda xaaladda isdicmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dabar go’a ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga ah oo aan hadda  laga isdicmaalin Gobollo badan oo ka dirsan dalka, waxayna soo jeediyeen in xukuumaddu ay qaaddo tallaabooyin lagu suurtagelinayo daabacaadda lacag cusub oo shilin Soomaali ah maadaama waqtigan baahi weyn loo qabo in la helo lacag cusub.

Previous

Leave Your Comment

 

Degmada Shibis, Km0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

City News & Updates

The latest Egovt news, articles, and resources, sent straight to your inbox every month.#5E8DCA

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya © 2024. Xaquuqaha dhan way dhowranyihiin