𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐈𝐋𝐀𝐀𝐋𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐔𝐐𝐔𝐔𝐐𝐃𝐀 𝐍𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiis 14-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka XFS Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka, isla markaana wuxuu faahfaahiyay muhiimiyadda uu leeyahay Hindise Sharciyeedkan iyo sida uu u ilaalinayo Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, ayaa Guddiga Garsoorka, Cadaalada, Arimaha diinta, Awqafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare, wuxuu faray inay la wareegaan Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed, kana soo gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, isla markaana fadhiga guud ee Golaha ay dib ugu soo celiyaan, si Goluhu uga guto waajibkiisa Dastuuriga ah.