π—πŽπ†π‡π€π˜π€π€π’π‡π€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 π€π˜π€π€ π‡π„π’π‡πˆπˆπ’ 𝐖𝐀𝐃𝐀-π’π‡π€ππ€π˜π 𝐀𝐇 𝐋𝐀 π’π€π—π„π„π—πƒπ€π˜ π‡π€π˜β€™π€πƒπƒπ€ π”ππˆπ‚π„π….

Xoghayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ayaa maanta kala sixiiday heshiis wada-shaqayn.

Heshiiskan oo ay si wada jir ah u saxiixeen labada xoghaye ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Jaabiri iyo wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa Saeed ayaa ku saabsan horumarinta aqoonta shaqaalaha iyo sidii Sanatarrada iyo Xildhibaannada loogala shaqyn lahaa horumarinta xuquuqda caruurta iyo guud ahaan howlaha kale ee taabanaya qeybaha bulshada, sida horumarinta fahanka korjoogtaynta, isla xisaabtanka iyo ka yoolgaarista xalalka waara.
Previous πŒπ€πƒπ€π–π„π˜ππ€π‡π„ 𝐗𝐀𝐒𝐀𝐍 π’π‡π„π„πŠπ‡ 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ π’πˆ π‘π€π’πŒπˆ 𝐀𝐇 𝐔 π…π”π‘π€π˜ πŠπ€π‹π…π€πƒπ‡πˆπ†π€ 𝐒𝐇𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐉𝐅𝐒.

Leave Your Comment

Β 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

Β Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaΒ© 2024