𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐖𝐀𝐘𝐃𝐈𝐈𝐍 𝐀𝐇 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐀-𝐁𝐀𝐍𝐍𝐀𝐍 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀.

Guddoomiyaha Guddiga Haweenka Aqalka Sare Sanatar Sareedo Maxamed Xasan (Jayte) oo ay weheliso Guddoomiyaha Gudddiga Haweenka Golaha Shacabka Xildhibaan Suhuur Xaaji Culusow iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiyada Haweenka labada aqal ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Dib u eegista Dastuurka KMG ah.

Xubnaha Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka waydiin odhaahdeedyo dheeraad ah iyo turxaan bixin ka waydiiyay qodobada Dastuurka ee sida gaar ah u quseeya Haweenka Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Datuurka M.ne Burhaan Aadan Cumar ayaa xubnaha Guddiyada Haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda FS u faahfaahiyay qodobadii ay sida gaarka ah wax uga waydiiyeen, isagoo xusay in ay ku shaqayn doonaan toosinta iyo talo-bixintooda si sharciga waafaqsan iyo habraaca Dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Baarlamaanku ansaxiyay.