π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π„ π‚π€ππƒπˆ π—π€π€π’π‡πˆ 𝐎𝐎 πŠπ”π‹π€π 𝐋𝐀 ππ€π€π“π€π˜ π’π€π…πˆπˆπ‘πŠπ€ π“π”π‘πŠπˆπ†π€ 𝐔 π…π€πƒπ‡πˆπ˜π€ π’πŽπŽπŒπ€π€π‹πˆπ˜π€

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Kulanka oo ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhowayn ayaa sidoo kale Guddoomiyaha iyo Safirku intuu uu kulanku socday isla soo qaadeen xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii adkayn lahaa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka hir-geliyeen, wuxuuna safiirka ku booriyay in uu sii laba jibaaro xiriirkaas walaaltinimo.