𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐋𝐈 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐁𝐀𝐀𝐍 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐍𝐉𝐈𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐈𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐒𝐀𝐍 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Wang Yu oo guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo isbarasho, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhexeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

 

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga saaxiibtinimada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Shiinaha Mudane Ibraahim Awgaab Cismaan iyo xoghaya guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.