𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐀𝐅𝐀𝐑 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃 𝐎𝐎 𝐀𝐘 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐁𝐈𝐒𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐗𝐅𝐒.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta kowaad ee afar hindise sharciyeed ayaa kala ahaa.

1- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga
3- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.
4- Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga dhaqista iyo ka hortaga maalgelinta argagixisada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay oo kala ah laba hindise sharciyeed oo cusub iyo labo sharci oo wax-ka-beddel lagu sameeyey, isagoo tilmaamay muhiimada ay u leeyihiin dowlad dhiska iyo awood siinta hay’addaha maaliyadda iyo maalgashiga ee dalkeenna.

Dhanka kale wasiirku wuxuu si qoto-dheer u sharraxay hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska oo baahi weyn u qabaan bangiyada maalgaliya ganacsiyada yaryar iyagoo daymiya lacago dadwaynaha Soomaaliyeed si ay ganacsigoodu u kobco. wuxuuna sharciga caymisku ka wasaaradda maaliyadda oggolaanayaa in wasaaraddu ay korjoogtayn ku sameyno karto hay’addaha/hay’adaha caymiska bixiya.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐃𝐈𝐁 𝐔𝐆𝐔 𝐒𝐎𝐎 𝐋𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐘.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024