𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐍𝐒𝐈𝐗𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐀𝐅𝐀𝐑 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Lixaad kulankiisa 4-aad oo ajandihiisu ahaa:

1.Akhrinta Saddexaad ee Hndise Sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2.Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Canshuurta Dakhliga.
3.AkhrintaSaddexaad ee Hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.
4.Akhrinta Saddexaad ee Hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga Lacag dhaqista iyo ka hortaga Maalgalinta Argagixisada.

Ugu horrayn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Awgab Cismaan ayaa Sanatarrada la wadaagay xogta akhrinta labaad iyo sida uu guddigu u soo qaabeeyay Sharciyadyada Maaliyadda ee kor ku xusan, Intaas ka dib waxaa la gudagalay ansixinta Sharciyada Maaliyadda, iyagoo Sanatarradu mid mid ugu coddeyeen. Midwalbana waxaa codka kalsoonida siiyey 27 sanatar wax diiday ma jirin, waxaana ka aamusayna 1 sanatar oo kaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaha Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka maanta goobjoog ahaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare iyo Guddiga ka shaqeeyay sharciyada maanta la ansixiyay uga mahadceliyay, sida wanaagsan oo ay turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen sharciyada loo ansixiyay oo muhiimad gaar ah u leh dadka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐎𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃 𝐊𝐀𝐀𝐋𝐌𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024