𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐎𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃 𝐊𝐀𝐀𝐋𝐌𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀.

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta ee Aqalka Sare BJFS oo gudanaya waajibaadka uu u xilsaaranyahay ayaa maanta yeeshay kulankoodii labaad ee kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka, ayaa ahaa Akhrinta iyo Ka Doodista Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka isla markaana xubnaha Guddiga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ayaa gudagalay akhrinta sharciga, iyagoo ku sameeyey toosin iyo wax-ka- beddel qodobada qaar.

Ugu dambeynti Xubnaha Guddiga iyo sharciyaqaannadda Aqalka Sare ayaa isla meel dhigay in ay si wadaan akhrinta iyo ka doodista sharciga, iyaga oo marinayaa habraca looga talagalay sharciyadda.

kulanka ayaa waxaa shir-guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhwayne) iyada oo ay welinayaan xubnaha guddiga.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐈𝐍 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐁𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024