𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐈𝐍 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐋𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐁𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka, ayaa ahaa diyaarinta akhrinta 3-aad ee Hindise sharciyeedyada Maaliyadda oo kala ah;
1- hindise sharciyeedka Hay’addaha Maaliyadda.
2- hindise sharciyeedka Canshuurta Dakhliga
3- hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.

4- hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga dhaqista iyo ka hortaga maalgelinta argagixisada.

xubnaha guddiga maaliyadda oo ka duulaya soojeedinnadii iyo aragtiyadii akhrinta labaad ee ay soojeediyeen sanatarrada Aqalka Sare oo ay ku dareen hindise sharciyeedka iyo warbixinta akhrinta 3-aad si Goluhu uga guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Intaas kadib xubnaha guddiga ayaa go’aamiyey in golaha la gudbiyo si ay sanatarradu akhrinta 3-aad u mariyaan.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, Waxaana ka soo qaybgalay xubnaha guddiga.
Previous 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐓𝐀𝐑𝐑𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐇𝐈𝐍𝐃𝐈𝐒𝐄 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.