Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta, arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee kalfadhiga 7-aad.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare Sanatar Cabdiqani Ugaas Geelle, ayaa diiradda lagu saaray dardar gelinta howlaha shaqo ee guddiga, diyaarinta qorshe howleedka guddiga ee kalfadhiga todobaad iyo ambaqaadka arrimaha korjoogtaynta hayβadda hoos yimaada guddiga, si ay ugala xisaabtamaan shaqada ay Qaranka u hayaan iyo sida ay Bulshada Soomaaliyeed ugu adeegaan.