𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐃𝐈𝐘𝐀𝐀𝐑𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟕-𝐀𝐀𝐃.

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta, arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad ee kalfadhiga 7-aad.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare Sanatar Cabdiqani Ugaas Geelle, ayaa diiradda lagu saaray dardar gelinta howlaha shaqo ee guddiga, diyaarinta qorshe howleedka guddiga ee kalfadhiga todobaad iyo ambaqaadka arrimaha korjoogtaynta hay’adda hoos yimaada guddiga, si ay ugala xisaabtamaan shaqada ay Qaranka u hayaan iyo sida ay Bulshada Soomaaliyeed ugu adeegaan.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐅𝐔𝐑𝐈𝐓𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟕-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝟏𝟏.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024