𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐈𝐍 𝐋𝐎𝐎 𝐘𝐄𝐄𝐃𝐇𝐎 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐃𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐒𝐓𝐔𝐔𝐑𝐊𝐀 𝐄𝐄 𝐗𝐅𝐒.

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii Saddexaad ee kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka, ayaa ahaa dib u eegista iyo Ka Doodista Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka oo uu Guddigu gacanta ku hayo, isla markaana guddiga ayaa go’aamiyey in loo yeedho Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, si ay su’aalo uga waydiiyaan hindise sharciyeedka.

kulanka ayaa waxaa shir-guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhwayne) iyada oo ay wehlinayaan xubnaha guddiga.
Previous 𝐓𝐀𝐁𝐀𝐁𝐀𝐑 𝐀𝐐𝐎𝐎𝐍 𝐊𝐎𝐑𝐎𝐑𝐒𝐈 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐒𝐎𝐂𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐔𝐃𝐃𝐎 𝐋𝐀𝐁𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐌𝐎𝐎𝐃 𝐀𝐇, 𝐀𝐘𝐄𝐘 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐆𝐀𝐁𝐀-𝐆𝐀𝐁𝐄𝐄𝐘𝐄𝐄𝐍 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐎𝐎𝐒𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024