Tababar aqoon kororsi ah uu soo qaban qaabiyay Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee BJFS oo ku saabsan waajibaadka shaqo ee kor joogtaynta iyo daba-galka howlaha maamulka iyo adeeg bixinta hay’addaha fulinta oo muddo laba maalmood ah, socday ayuu guddigu maanta soo gaba-gabeeyey.
Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah, waxaa soo xidhay Guddoomiyaha guddiga Garsoorka Aqalka Sare Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), iyadoo uga mahadcelisay ka soo qayb galayaasha tababarka isla markaana kula dardaarantay aqoontii ay barteen muddadii labad maalin aheyd ay uga faa’ideeyaan bahda caddaalada ee ay ka howl galaan.