𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐑𝐒𝐎𝐎𝐑𝐊𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐎𝐎𝐃𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐊𝐔𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐒𝐀𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐀𝐀𝐑𝐈𝐈𝐂𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐃𝐀𝐌 𝐒𝐌𝐈𝐓𝐇 𝐈𝐍𝐓𝐄𝐑𝐍𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍𝐀𝐋.

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta xafiiskooda kulan kula qaatay mid ka mid ah madaxda sare ee hay’adda Adam Smith International, kulanka oo daarnaa isbarasho iyo xog-isweydaarsi ku saabsan taageerada ay siyaan hay’addaha dowlada ee uu guddigu ku leeyahay korjoogtaynta iyo isla-xisaabtanka isla markaana loo helo maamul wanaag ku salaysan daahfurnaan iyo hirgalida mashruucyo wax ku ool u ah hannaanka dowladnimo.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa u mahadcelisay hay’adda Adam Smith, Iyadoo ku boorisay in ay joogteeyaan taageerada ay siyaan hay’addaha kala duwan ee dowlada, loona baahan yahay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta guddiga iyo Adam Smith.

Ugu dambeyntii, Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen xubanaha guddiga ayaa waxaana Shir gudoomisay Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud ( Gadhwayne ).

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐔𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐃𝐄𝐄𝐆𝐆𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐌𝐔𝐍𝐀𝐀𝐒𝐀𝐁𝐀𝐃 𝐗𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆 𝐋𝐀𝐆𝐀𝐆𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐘𝐀𝐀𝐋 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐎𝐎 𝐀𝐘 𝐘𝐄𝐄𝐋𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐍𝐅𝐔𝐑 𝐆𝐀𝐋𝐁𝐄𝐄𝐃.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024