𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐔𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐃𝐄𝐄𝐆𝐆𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐌𝐔𝐍𝐀𝐀𝐒𝐀𝐁𝐀𝐃 𝐗𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆 𝐋𝐀𝐆𝐀𝐆𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐄𝐄𝐘𝐄𝐘 𝐃𝐇𝐈𝐒𝐌𝐀𝐘𝐀𝐀𝐋 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐎𝐎 𝐀𝐘 𝐘𝐄𝐄𝐋𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐍𝐅𝐔𝐑 𝐆𝐀𝐋𝐁𝐄𝐄𝐃.

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrrimaha bani’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno guddiga ka mid ah oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuummadda oo ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DXDF ayaa maanta ka qayb galay munaasabad ka dhacday magaaladda Baydhabo oo xadhiga lagaga jarayey xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ee Koonfur Galbeed iyo xarunta gargaarka iyo howlgalada deg-degga, Waxaana xadhiga ka jaray Madaxweyne maamulka Koonfur-Galbeed iyadoo si casri ah loo dhisay .

Intaas kadib, Guddoomiyaha guddiga Sanatar Cismaan Maxamuud Dufle oo hadlaya magaca Guddiga addeega Bulshada, Wuxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo iska kaashaday dhismaha xaruntan, Iyagoo taageero ka helaya hay’addo caalami ah. Waxayna qayb ka tahay guulaha laga gaadhay dadaallada lagu soo nooleynaayo kaabayaasha Caafimaadka dalka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed loo xaqiijiyo adeegyo Caafimaad oo hufan isla markaana tayo leh, lana jaanqaadaya baahiyaha bulshada.

 

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐑𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐒𝐀𝐅𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐈𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024