𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐑𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐒𝐀𝐅𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐒𝐇𝐈𝐈𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Guddoomiyaha AQalka Sare ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirku wuxuu xusay in dowlada Shiinuhu ay adkaynayso midnimada Soomaaliya, iyadoo ay ixtiraamayso qawaaniinta caalamiga ah ee qeexaya madaxa-bannaanida ay leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas ka dib, Safiirka ayaa Guddoomiyaha la wadaagay in Dowladda Shiinuhu ay diyaarisay barnaamij aqoon is-waydaarsi iyo aqoon kororsi ku saabsan howlaha sharci dejinta, korjoogtaynta iyo maamulka ay iswaydaaran doonnaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Shiinaha, taas kaalin wayn ka qaadan doonta adkaynta xiriirka labada Baarlamaan.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐌𝐔𝐍𝐀𝐀𝐒𝐀𝐁𝐀𝐃 𝐂𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐀𝐅 𝐀𝐇 𝐎𝐎 𝐋𝐔𝐆𝐔 𝐒𝐎𝐎 𝐗𝐈𝐃𝐇𝐀𝐀𝐘𝐄𝐘 𝐓𝐎𝐃𝐎𝐁𝐀𝐀𝐃𝐊𝐀 𝐗𝐎𝐑𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024