𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐌𝐄𝐄𝐋 𝐌𝐀𝐑𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐀𝐉𝐀𝐍𝐃𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐈𝐗𝐀𝐀𝐃.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir Guddoomiyay kulanka koowaad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista qorshe hawleedka Golaha iyo Guddiyada ee Kalfadhiga lixaad, waxaana Guddoomiyayaasha Guddiyadu ay soo bandhigeen qorshayaashooda shaqo ee hortebinta u leh guddi walba, ka shaqaynta shuruucda la horkeenayo Golaha, metelaadda Shacabka iyo dardar gelinta hannaanka isla xisaabtanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha dowladda, iyadoo intaas ka dib dood iyo falanqayn dheer kadib la meel mariyay ajandaha Golaha iyo qorshe hawleedka Guddiyada ee kalfadhiga lixaad.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga joogtada Aqalka Sare ku bogaadiyay howsha ay Qaranka u hayaan, isagoo faray in ay dardar geliyaan arrimaha korjoogtaynta iyo islaxisaabtanka hay’adaha dowladda, islamarkaana ay si dhow u wada-shaqeeyaan Guddiyada meelaha qaar shaqo wadaagga ka noqonaya.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐍𝐉𝐈𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐅𝐀𝐋𝐀𝐒𝐓𝐈𝐈𝐍 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024