𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐍𝐉𝐈𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐂𝐔𝐒𝐔𝐁 𝐄𝐄 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐅𝐀𝐋𝐀𝐒𝐓𝐈𝐈𝐍 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Feederaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Falastiin u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Ruwayd Abuu Cumayshah.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si diirran oo gacaltooyo leh ku soo dhoweeyay Danjiraha, ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo adkeeyay garab istaagga gobonimo doonka shacabka reer Falastiin iyo sida ay xaqa ugu leeyihiin inay helaan dowlad la aqoonsan yahay oo iyaga metesha, taas oo u horseedda nabad, xasillooni iyo barwaaqo.
Safiirka ayaa dhankiisa uga mahadceliyay guddoomiyaha soo dhawaynta diirran, wuxuuna ugu hambalyeeyay ku guulaysiga ay Soomaaliya ku guulaysatay inay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka QM, taas oo uu sheegay inay faa’iido u tahay dadka reer Falastiin ayna ku kalsoon yihiin in Soomaaliya ay ku meteli doonto qadiyadda Falastiin iyo xorriyaddooda.
Ugu dambayn, guddoomiyaha ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Falastiin in ilaahay xilka loo magacaabay uu u fududeeyo, dadaal dheerad ahna ku bixiyo horumarinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Falastiin.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐍𝐉𝐈𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐈𝐃𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐘𝐔𝐑𝐔𝐁 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024