𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐀𝐅𝐈𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐊𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐃𝐀𝐍𝐉𝐈𝐑𝐀𝐇𝐀 𝐌𝐈𝐃𝐎𝐖𝐆𝐀 𝐘𝐔𝐑𝐔𝐁 𝐔 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadlay taageerada dhinacayada horumarinta ee uu Midowga Yurub siiyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna isla qaateen in Aqalka Sare oo ah Aqalka sida dastuuriga ah u metala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ilaaliyana nidaamka Federaalka ah gacan lagu siiyiiyo gudashada waajibaadkaas.

Danjiruha ayaa bogaadisay shaqada ballaaran ee u qabsoontay labada aqal ee Baarlmaanka 11-aad ee JFS oo uu ugu horreeyo Dib u eegista Dastuurka KMG ah iyo ka shaqaynta iyo meel marinta shuruucda kale ee uu ansaxiyay ama kuwa horyaala Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Guddiga Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ee BJFS uu haatan ku howlan yahay gaababaynta cutubyada 5 illaa 9-aad ee Dastuurka, howl aad u bandanna uu ka qabtay, isla markaana marka guddigu dhammeeyaan howshaasna ay horkeeni doonnaan fadhiyada Labada Aqal ee BJFS.

 

 

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐑𝐁𝐈𝐗𝐈𝐍𝐍𝐎 𝐊𝐔 𝐒𝐀𝐀𝐁𝐒𝐀𝐍 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐘𝐒𝐓𝐀𝐘 𝐗𝐔𝐁𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐇 .

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024