Guddiga Khayraadka Qaranka, kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad.
Kulanka oo ay shir guddoominaysay Guddoomiyaha guddiga Sanatar Sayanab Ismaaciil Maxamed, ayaa ajandihiisu ahaa ka tashiga taabagelinta qorshaha guud ee guddiga iyo dardar gelinta howlaha shaqo ee Guddiga.