𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐖𝐀𝐘𝐃𝐈𝐈𝐍 𝐀𝐇 𝐔𝐆𝐔 𝐘𝐄𝐄𝐑𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐊𝐔-𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐈𝐈𝐒𝐀.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare, oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah, waxay maanta xafiiskooda ugu yeereen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Cige , oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenkiisa Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, ayay xubnaha Guddigu waxay su’aalo iyo waydiin odhaaheedyo ku saabsan hindise sharciyeedka Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed la yeesheen Wasiirka Maaliyadda iyo ku xigeenkiisa, si ay fasiraad dheeraad ah ugu helaan qodobo ka mid Hindise sharciyeeeka oo uu guddigu gacanta ku hayo kana gudanayo waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Guddiga Maliyadda Aqalka Sare, oo akhrinta labaad u diraayinaya Hindise Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed waxay maalintii saddexaad ku hawlanyihiin ka shaqaynta sharciga, iyadoo xubnaha Guddiga oo kaashanaya sharciyaqannada Golaha Aqalka Sare  waxay qodob qodob u dul istaageen Sharciga hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed.