𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐃𝐎𝐎𝐃 𝐊𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐈𝐁 𝐔 𝐇𝐄𝐒𝐇𝐈𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀.

Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir guddoomiyay kulanka 2-aad ee Kalfadhiga shanaaad oo ajandihiisu ahaa warbixin iyo ka-doodista arrimaha dib u heshiisiinta Dalka.

Ugu horayn Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan arrimaha dib u heshiisiinta dalka iyo sida loo heli karo dib u heshiisiin dhaqan gal ah oo lagu kalsoon yahay.

Intaas ka dib Sanatarrada Aqalka Sare oo soo dhoweeyay ajandaha maanta ayaa mid mid uga ragti dhiibtay arrimaha dib u heshiinta dalka, iyagoo caddeeyay dhibaatooyinka colaadaha ay u leeyihiin dib u dhaca dhaqaale, amni, dowladnimo iyo tan wada jir ee Umadda Soomaaliyeed iyo tallaabooyinka ay tahay in la maro dhab u heshiin dalka oo dhan ka hirgasha.

Guddoomiye Timacadde oo kulanka soo xiray ayaa ku bogaadiyay Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta waajib gudashadooda, wuxuuna tilmaamay in Aqalka Sare Baarlamaanka JFS uu laba jibaari doonno dadaalladiisa ku aaddan arrimaah dib u heshiisiinta dalka, iyadoo lagula xisaabtamayo madaxda Qaranka iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh.
Previous 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐈𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃 All posts

Leave Your Comment