𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐊𝐇𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐌𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐘𝐄𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐑𝐂𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁𝐈𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga shanaad Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajandaha ayaa ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare dulmar guud ugu sameeyay muhiimadda sharciga Hay’adda xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo sida dhismaha hay’addaasi ay dalka muhiim ugu tahay.

Intaas kadib Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa faray guddiga Maaliyadda Aqalka Sare in ay la wareegaan sharcigaas, kana soo soo shaqeeyaan iyaga oo gudanaya waajibaadka ka saaran.

 

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐆𝐔 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 𝐆𝐀𝐋𝐈𝐍𝐀𝐘𝐎 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.