π†π”πƒπƒπˆπ˜π€πƒπ€ πŒπ€π€π‹πˆπ˜π€πƒπƒπ€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ πŠπ”π‹π€πŒπŽ 𝐋𝐀 π—πˆπ’π€π€ππ“π€π 𝐀𝐇 𝐋𝐀 ππ€π€π“π€π˜ π‡π€ππ“πˆπƒπ‡πŽπ–π‘π€π‡π€ ππ€π‘π€ππŠπ€ 𝐈𝐘𝐎 π—πˆπ’π€π€ππˆπ˜π€π‡π€ 𝐆𝐔𝐔𝐃.

Guddiga Maaliyadda Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan isla xisaabtan ah laΒ  qaateen Hantidhowraha Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale, waxayna ka dhagaysteenΒ  warbixin ku saabsan arrimaha baarista maaliyadda iyo caqabadaha jira dhanka kale xubnaha labada guddi ayaa su’aalo waydiiyey masuuliyiinta hanti dhowrka oo u horeeyo hantidhowraha guud ee qaranka.

Intaas ka dib guddiga maaliyadda labada Aqal ee Baarlaamanka ayaa galinkii dambe maanta kulan la qaatayΒ  Xisaabiyaha guud ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas iyo xubno kale oo la socday.

Xubnaha guddiyada maaliyadda labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaaΒ  Xisaabiyaha guud, waxay ka dhagaysteen warbixinno ku saabsan mashaaricda dalka, halka ay marayaan, caqabadaha haysta iyo waydiimo kale oo ku saabsan doorka shaqadooda eeΒ  xafiiskooda.