πƒπ€π€π‡π…π”π‘πŠπ€ π–π€π‰πˆπ†π€ πŸπ€π€πƒ 𝐄𝐄 π‹π€π“π€π’π‡πˆπ†π€ πƒπ€πƒπ–π„π˜ππ€π‡π€ 𝐄𝐄 π‚π”π“π”ππ˜π€πƒπ€ πŸ“-πŸ— 𝐄𝐄 πƒπ€π’π“π”π”π‘πŠπ€

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur β€œMadoobe”, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wajiga 2aad ee Barnaamijka Danabaysan ee Latashiga Dadweynaha ee Dib-u-eegista cutubyada 5-9 ee Dastuurka.

Barnaajimkan ayaa siinaya fursad aad u weyn dhammaan muwaaddiniinta soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay uga soo aragti dhiibtaan dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad oo hadda Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka uu ka shaqeenayo.

Senator Siciid Cawke oo ah Xoghayaha Guddiga Lasocodka ayaa ku dhiirigeliyey in muwaadinkasta oo uu ka soo aragti dhiibto cutubyada la diyaarinayo ee wax-kabeddelka Dastuurka.

Intaas ka dib Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan Avv. Burhan Adan Omar ayaa guddoonka labada aqal iyo bulshada soomaaliyeedba u sharaxay barnaamijka oo muhiim u ah dhammaan muwaaddiniinta soomaaliyeed, fursadna ay tahay ka aragti dhiibashadooda ku aaddan cutubyada hadda la diyaarinayo.
Previous π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 π’πˆ πƒπˆπˆπ‘π€π π‹πŽπŽπ†π” π’πŽπŽ πƒπ‡πŽπ–π„π„π˜π€π˜ π†π€π‘πŽπŽππŠπ€ 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐂𝐀𝐃𝐃𝐄.

Leave Your Comment

Β 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

Β Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaΒ© 2024