Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaraha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Gddoomiyaha oo safar caafimaad dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa garoonka Adan Cadde waxaa ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabduullaahi Cumar Abshirow, Madaxwaynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’uusul Wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha oo hadal kooban jeediyay ayaa adkeeyay kaalinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee midnimada iyo wada jiroa Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay leedahay khayraad dihan oo aad u faro badan; si looga faa’iidaystana ay lagama maarmaan tahay in la helo nabad, midnimo iyo isku duubni.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka mahad celiyay soo dhowaynta diiran ee loo sameeya, ayaa xusay in uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dhiilooyinka colaadaha ka dhax aloosan dadka walaalaha ah ee wada dega deegaanno iyo degmooyin ka tirsan dalka, isagoo ugu baaqay midnimo, isku-duubni, wadajir iyo walaaltinimo, isla markaana ay tahay in laga heshiiyo wixii la isku khilaafsan yahay.