𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐉𝐈𝐃𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐓𝐇𝐄𝐃𝐑𝐀𝐋𝐊𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, ayaa booqday maanta masajidka cathedralka ee Moscow, waxaana ku soo dhaweeyay imaamka iyo khadiibka masajidka Mudane Ildar Galeev.

Guddoomiyaha iyo xubnaha safarkiisa shaqo ku wahelinaayey waxay booqdeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masjidka isla markaana uga mahadceliyay imaanka sida wanagsan ee milgalaha leh ee ay u soo dhaweyeen maamulka masjidka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa kula dardaarmay maamulka masjidka sidii dadka loo soo bandhigi lahaa wanaagga ay leedahay diinta islaamka isla markaana loo bari lahaa bulsho weynta Ruushka.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐈𝐘𝐎 𝐖𝐀𝐅𝐃𝐈𝐆𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐌𝐎𝐒𝐂𝐎𝐖, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀 𝐐𝐀𝐀𝐓𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑 𝐊𝐔-𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐈𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024