Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa ayaa maanta la kulmay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dowlada federaalka Ruushka una qaabilsan arrimaha Afrika iyo Carabta Mudane Mikhail Bagdanov, iyagoo ka wada hadlay xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Ruushka.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Ruushka diyaar u tahay in ay Soomaaliya garab istaagto dhinacyada amniga iyo siyaasadda isla markaana kor loo qaado deeqaha waxbarashada, tababarka ciidamada iyo adkaynta xidhiidhka labada dal.
Intaas ka dib Guddoomiyaha ayaa Wasiirka ku xigeenka uga mahadceliyey soo dhawaynta diiran ee ay ku soo dhaweeyeen intii uu ku sugnaa dalka Ruushka, sheegayna muhiimadda u leeyahay iskaashiga iyo wada shaqaynta dowladda Soomaaliya iyo Ruushka uuna yahay mid soo jireen ah loona baahan yahay in labada dowladood ay iskaashaadaan.