Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta Baarlamaanka Jabuuti halkaas oo uu ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ugu horrayn lagu soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee xarunta Baarlamaanka Jabuuti, iyada oo la tusiyay xafiisyada kala duwan ee ay guddiyadu ku shiraan iyo hannaanka ay guddiyadu uga shaqeeyaan howlaha Baarlamaanka.
Intaas ka dib labada guddomiye oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee labada dal, qibrad wadaagga iyo iskaashiga xiriirka labada Baarlamaan, iyadoo intaas ka dib labada Guddoomiye ay is dhaafsadeen Billad sharaf iyo hadiyado kale oo muhiim ahaa kana tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka labada dal ee walaalaha ah, isagoo Guddoomiye Cabdi Xaashi mahad ballaaran u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Jabuuti isaga iyo wafdigii la socday.