Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran garoonka diyaaraha Jabuuti ugu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaas, iyadoo halkaas Guddoomiyaha wafdigiisa ay uga billaaban doonto booqasho shaqo ee afar maalmood ah, si uu kulamo kala duwan ula qaato madaxda dalka Jabuuti.