𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐗𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈 𝐈𝐘𝐎 𝐖𝐀𝐅𝐃𝐈𝐆𝐈𝐈𝐒𝐀 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐋𝐈 𝐊𝐔 𝐒𝐔𝐆𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐓𝐗𝐀𝐅𝐊𝐀 𝐃𝐇𝐄𝐗𝐄 𝐄𝐄 𝐃𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐊𝐈𝐈 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐀𝐃𝐃𝐔𝐔𝐍𝐊𝐀.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo wali ku sugan Magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, waxay maanta booqdeen Matxafka Dhexe ee Dagaalkii labaad ee adduunka 1941–1945 ee ku yaal Moscow, Caasimadda Dowladda Federaalka Ruushka.

Intii Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ay ku guda jireen booqashada ay ku tageen Matxafka waxa si diiran ugu soo dhaweeyey maamulka Matxafka. Waxayna booqdeen qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay haday noqoto agabyada qadiimiga ah ee wakhtigaas lagu dagaalami jiray iyo jaantus si fiican u muujinaya burburkii dagaalka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxa si kooban loogu sharaxay taariikhda uu leeyahay Matxafkaas, Waxaana yaalla qalabkii dagaal ee lagu dagaalamayay xiligaas, iyo xusuuso kala duwan oo muujinaya Waxyaabihii dhacay dagaalkii labaad ee Adduunka ee lagu jabiyay Naaziyiintii.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝟓𝟗𝟏-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐇𝐔𝐃𝐁𝐀𝐃 𝐃𝐇𝐈𝐍𝐀𝐂𝐘𝐎 𝐓𝐀𝐀𝐁𝐀𝐍𝐀𝐘𝐒𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐄𝐄𝐃𝐈𝐘𝐄𝐘.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024