𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝟓𝟗𝟏-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐃𝐎𝐖𝐋𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐇𝐔𝐃𝐁𝐀𝐃 𝐃𝐇𝐈𝐍𝐀𝐂𝐘𝐎 𝐓𝐀𝐀𝐁𝐀𝐍𝐀𝐘𝐒𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐄𝐄𝐃𝐈𝐘𝐄𝐘.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdigiisa oo wali ku sugan magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, ayaa maanta ka qayb galay kulanka guud 591aad ee golaha Federaalka (Aqalka Sare) ee dowladda Ruuska.

Guddoomiyaha oo maanta khudbad ka jeediyey kulanka ayuu kaga hadlay adkaynta labada Baarlamaan iyo kan labada dal ay leeyihiin, isagoo si kooban u sheegay taariikhda xidhiidhkii ka dhaxayay Soomaaliya iyo Midowga Sofiyeet. Sidoo kalena Guddoomiyuhu wuxuu xusay sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhka wanaagsan oo ay wada lahaayeen labada dowladood isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay wada shaqaynta kor u qaadida xidhiidh wax ku ool ah oo ay la yeelato Dowladda Ruushka iyo in labada Baarlamaan isdhaafsadaan guddi saaxiibtinimo si looga wada faa’iidaysto khibradaha, shaqooyinka iyo dajinta-sharci ay wadaagaan.

Dhanka kale Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Dowladda Ruushka in ay ka cafisay lacag boqolaal milyan oo ay ku lahayd Soomaaliya ayna muujinayso mowqif saaxiibtinimo iyo sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada horumarka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyey Marwo Valentino Metvienko casuumadda qiimaha badan leh isla markaana ay sharaf u tahay in maanta uu hor taaganyahay golaha Federaalka (Aqalka Sare) ayna tahay talaabo wanaagsan oo u horseedi karta in labada Baarlamaan xidhiidh toos ah oo wada shaqayneed yeesheen.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐀𝐒𝐇𝐎 𝐑𝐀𝐒𝐌𝐈 𝐀𝐇 𝐊𝐔 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐑𝐔𝐔𝐒𝐇𝐊𝐀, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐁𝐎𝐎𝐐𝐃𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐉𝐈𝐃𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐓𝐇𝐄𝐃𝐑𝐀𝐋𝐊𝐀.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024