𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐇𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐈𝐍 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟔-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝟏𝟏-𝐀𝐀𝐃 𝐔𝐔 𝐅𝐔𝐑𝐌𝐎 𝟐𝟐 𝐅𝐄𝐁𝐑𝐀𝐀𝐘𝐎 𝟐𝟎𝟐𝟓.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay kulamo wadatashi ah ka yeesheen furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxay go’aamiyeen in Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad uu si rasmi ah u furmi doono  maalinta Sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 22 Febraayo 2025.

Hadaba, xildhibaannada iyo Sanatarrada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wargalinayaa in ay soo xaroodaan ka hor mudda la go’aamiyay ee furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐌𝐄𝐄𝐋 𝐌𝐀𝐑𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐀𝐉𝐀𝐍𝐃𝐀𝐘𝐀𝐀𝐒𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐄𝐄 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐈𝐗𝐀𝐀𝐃.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024