Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay kulamo wadatashi ah ka yeesheen furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxay go’aamiyeen in Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad uu si rasmi ah u furmi doonoΒ maalinta Sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 22 Febraayo 2025.
Hadaba, xildhibaannada iyo Sanatarrada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wargalinayaa in ay soo xaroodaan ka hor mudda la go’aamiyay ee furitaanka Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; si loo sii ambaqaado gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee loo hayo dadwaynaha Soomaaliyeed.