𝐌𝐀𝐃𝐀𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐗𝐀𝐒𝐀𝐍 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐇 𝐎𝐎 𝐅𝐔𝐑𝐀𝐘 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐋𝐈𝐗𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒.

Fadhiga Furitaanka kalfadhiga lixaad labada aqal ee Baarlamaanka JFS, oo uu maanta si rasmi ah u furay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa shir guddoomyay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuuur Madoobe oo ay wehelliyaan ku xigeennada labada Aqal, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Maxkamadadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ugu horrayn jeediyay khudbadda furitaanka kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka JFS, ayaa ka warbixiyay waxqabadka Aqalka Sare ee kalfadhigii shanaad oo uu Goluhu ku meel-mariyay labo iyo toban sharci oo muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood maray habraacyadii sharci ee loogu tala galay, Guddoomiyuhu dhunaca kale, wuxuu xusay waxyaaba hor tabinta u leh Aqalka Sare kalfadhiga maanta furmat oo ay ka mid yihiin Dhammaystirka dib eegista Dastuurka, dhismaha Golaha adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga ee dalka, dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa iyo in Aqalka Sare guddiyo la-tashi iyo xaqiiqo raadin ah u diri doonno deegaannada DXDF, si loo helo xogo dhab ah oo ku saabsan xaaladaha amni, siyaasad, dhaqaale iyo bulsho ee ka jira deegaannada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbaddiisii Dastuuriga ahayd ee Furitaalka kalfadhiga lixaad ee Baarkamaanka, ayaa ka hadlay howlgallada dalka looga xoraynayo Khawaarijta, guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax deyn ah qaadan muddadii la soo dhaafay, ayna ku dadaashay in ay beekhaansato oo isku maarayso dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ay bixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhammeystiro cutubyada dhimman ee Dastuurka, si looga gudbo khilaafaadka curyaamiyey dowlad-dhiska Soomaaliyeed.
Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐇𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐆𝐎’𝐀𝐀𝐌𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐈𝐍 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟔-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝟏𝟏-𝐀𝐀𝐃 𝐔𝐔 𝐅𝐔𝐑𝐌𝐎 𝟐𝟐 𝐅𝐄𝐁𝐑𝐀𝐀𝐘𝐎 𝟐𝟎𝟐𝟓.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024