Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xersi Timacadde ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga todobaad Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.
Ajandaha kulanka wuxuu ahaa akhrinta
1. Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka barakacayaasha gudaha.
2. Akhrunta koowaad ee hindise sharciyeedka cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed
Ugu horrayn Sanatarrada ayaa gudagalay doodda soo-jeedin ay soo gudibyeen xubno katirsan Sanatatrrada Aqalka Sare oo ku saabsanayd ansixinta Sanatar Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo Guddoomiyaha Aqalka Sare u magacaabay Xilka Hab-dhowre ku xigeenka Aqalka Sare, waxaana ogolaaday soo jeedintaas oo haa ku codeeyay 29 Sanatar, hal Sanatar ayaa ka aamusay wax diidayna ma jirin.
Intaas kaddib, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa Sanatarrada Aqalka Sare ka hor akhriyaya hindise sharciyeedyada Barakacayaasha Gudaha, wuxuuna warbixin kooban Golaha ka siiyay iyo muhiimadd uu hindise sharciyeedkan u leeyahay dalka gaar ahaan dadwayanaha Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaannaddoodii sababo la xiriira dagaallo iyo dhibaatooyinka kale ee dabiiciga ah oo ka dhaca.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa dhankiisa wuxuu Golaha ka hor akhriyaya hindise sharciyeedka cadaaladda da’yarta Soomaaliyeed, xuquuqda iyo daryeelka guud ee uu siinayo caruurta, isagoo ka sheegay in sharcigan uu bud-dhig u yahay cadaaladda iyo u garsooriyadda da’ yarta Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, qaar kamid ah Sanatarrada Aqalka Sare ayaa labada Wasiir waydiiyay su’aalo ku saabsanaa mabaadi’da guud ee labadaas sharci, iyagoo diiradda saaray qodobada qaar oo ee ka hor imaanaya Diinteenna suuban ee Islaamka.
Gunaanadkii kulanka, Guddoomiye Timacade oo kulanka maanta shir guddoominayay ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Garsoorka Aqalka Sare in lagu wareejinayo hindise sharciyeedyada maanta laga hor akhriyaya Golaha, isla markaana ay ka soo shaqeeyaan, dibna ugu soo celiyaa Golaha Guud, si looga doodo loona marsiiyo habraacyada Dastuuriga ah ee ku xusan cutubka 6aad ee Dastuurka KMG ah.