Shirka Baarlamaanka Adduunka “ππ§πππ«-π©ππ«π₯ππ’π¦ππ§πππ«π² ππ§π’π¨π§” oo socday muddo shan maalmood ahΒ kana furmay magaaladda Tashkent wadanka Uzbekistan, ayaa looga hadlay ajandayaal ay ka mid ahaayeen, wax ka beddelka xeerarka IPU, Tallaabada Baarlamaanka ee Horumarinta Bulshada iyo Caddaaladda iyo soojeedimo kale oo ay soo bandhigeen xubnaha ka qeyb galay shirka.
Sanatar Samsam Dahir Maxamuud oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Adduunka oo kalmad ka jeedisay madasha Haweenka ee Baarlamaanka Adduunka ayaa si gaar ah ugu hadashay doorka ka qeyb galka siyaasadda ee Haweenka, iyadoo tilmaantay in ay muhiim tahay in xubnaha Baarlamaanka Haweenka IPU ay dadaalaan badan ku bixiyaan sidii wadama hoos u dhiga matalaadda Haweenka cadaadis loogu saari lahaa in gabdhaha kuraas gaar ah loo asteeyo, si ay ugu tartamaan doorashooyinka kala heerarka duwan ee dalalka Aduunka ka dhaca.