𝐗𝐔𝐁𝐍𝐎 𝐊𝐀 𝐓𝐈𝐑𝐒𝐀𝐍 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐥 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒 𝐊𝐀𝐍𝐀 𝐓𝐈𝐑𝐒𝐀𝐍 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐀𝐃𝐃𝐔𝐔𝐍𝐊𝐀, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐈𝐑𝐊𝐀 𝟏𝟓𝟎-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐈𝐏𝐔.

Go back

Your message has been sent

Warning
Warning
Warning
Warning

Warning.

Xubnaha ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galay  shirka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka IPU ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Shirka Baarlamaanka Adduunka “𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫-𝐩𝐚𝐫𝐥𝐚𝐢𝐦𝐞𝐧𝐭𝐚𝐫𝐲 𝐔𝐧𝐢𝐨𝐧” oo socday muddo shan maalmood ah  kana furmay magaaladda Tashkent wadanka Uzbekistan, ayaa looga hadlay ajandayaal ay ka mid ahaayeen, wax ka beddelka xeerarka IPU, Tallaabada Baarlamaanka ee Horumarinta Bulshada iyo Caddaaladda iyo soojeedimo kale oo ay soo bandhigeen xubnaha ka qeyb galay shirka.

Sanatar Samsam Dahir Maxamuud oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Adduunka oo kalmad ka jeedisay madasha Haweenka ee Baarlamaanka Adduunka ayaa si gaar ah ugu hadashay doorka ka qeyb galka siyaasadda ee Haweenka, iyadoo tilmaantay in ay muhiim tahay in xubnaha Baarlamaanka Haweenka IPU ay dadaalaan badan ku bixiyaan sidii wadama hoos u dhiga matalaadda Haweenka cadaadis loogu saari lahaa in gabdhaha kuraas gaar ah loo asteeyo, si ay ugu tartamaan doorashooyinka kala heerarka duwan ee dalalka Aduunka ka dhaca.

Previous 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐉𝐎𝐎𝐆𝐓𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐀𝐉𝐀𝐍𝐃𝐀𝐘𝐍 𝐈𝐘𝐎 𝐃𝐈𝐁 𝐔 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐀𝐘𝐍 𝐊𝐔 𝐒𝐀𝐌𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐐𝐎𝐑𝐒𝐇𝐄 𝐇𝐎𝐖𝐋𝐄𝐄𝐃𝐊𝐀 𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024