𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐌𝐇𝐔𝐔𝐑𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐅𝐄𝐃𝐄𝐑𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐃𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐃𝐈𝐁 𝐔𝐆𝐔 𝐒𝐎𝐎 𝐋𝐀𝐀𝐁𝐓𝐀𝐘.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminaayay oo safar shaqo ugu maqnaa wadanka Ruushka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. wafdiga guddoomiyaha oo safar muddo shan cisho ah qaatay waxaa madaarka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Sanatarro iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisu waxay safarkooda shaqo kulamo kala duwan la yeesheen Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Ruushka una qaabilsan arrimaha Afrika iyo Carabta iyagoo oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo labada Baarlamaan. Sidoo kale waxay booqdeen xarumaha dhaqan, taariikh iyo matxafyo kala duwan oo Ruushku leeyahay.
Previous 𝐊𝐔-𝐒𝐈𝐌𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇𝐍𝐀 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐄 𝐊𝐔 𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐎𝐎𝐖𝐀𝐀𝐃 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐇𝐀𝐌𝐁𝐀𝐋𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐂𝐈𝐈𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐑𝐀𝐅𝐎 𝐔 𝐃𝐈𝐑𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐀𝐂𝐀𝐁𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃.

Leave Your Comment

 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

 Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya© 2024