π—πŽπ†π‡π€π˜π€π‡π€ 𝐆𝐔𝐔𝐃 π€ππ€π‹πŠπ€ 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐉𝐅𝐒 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ πŠπ€ ππ€π˜π π†π€π‹π€π˜ πŠπ”π‹π€π 𝐔𝐔 π’πŽπŽ 𝐐𝐀𝐁𝐀𝐍 ππ€π€ππˆπ˜π„π˜ π—π€π…πˆπˆπ’πŠπ€ π—πˆπ’π€π€ππˆπ˜π€π‡π€ 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 ππ€π‘π€ππŠπ€.

Xoghayaha guud Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS mudane Cabdinaasir Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeybgalay kulan wadatashi ah oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Xisaabiyaha guud ee Qaranka, kaas oo looga hadlayay hirgelinta nidaamka saxiixa Elektarooniga ah (e-Signature).

Wadatashiga waxaa loogu soo bandhigay caqabadaha hadda ka jira saxiixa warqadaha iyo sida ugu habboon ee loogu gudbi karo nidaamka Saxiixa Danabaysan (e-Signature).

Xoghaye Cabdunaasir Guuleed oo khudbad ka jeediyay kulanka wadatashiga ah ayaa sheegay in Baarlamaanku ay dedejiyaan ansixinta shuruucda maaliyadda, sidoo kale ay ahmiyadda koowaad siiyaan sida ugu haboon ee lagu horumari karo nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Previous π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π˜π€π€π’π‡π€ 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋 𝐄𝐄 ππ€π€π‘π‹π€πŒπ€π€ππŠπ€ 𝐉𝐅𝐒, π€π˜π€π€ πˆπ’π‹π€ ππ€π€π“π€π˜ 𝐈𝐍 𝐋𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐃𝐀𝐑 π†π€π‹πˆπ˜πŽ 𝐒𝐇𝐔𝐑𝐔𝐔𝐂𝐃𝐀 πŒπ”π‡πˆπˆπŒπŠπ€ 𝐔 𝐀𝐇 πƒπ€π‹πŠπ€.

Leave Your Comment

Β 

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa matala Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awood sharci-dejin, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo dabagalka howlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka KMG ah.

Β Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti – Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaΒ© 2024