Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo gudanaya waajibaadka Dastuuriga ee ku xusan Qodobbada 66-AAD (2 ) iyo 74-AAd ( 2 ) ee Dastuurka KMG ah, iyo qodobka 23-AAD ( 1 ) ee Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo qodobka 21-AAD ( 1) ee Xeer-hoosaad Golaha Shacabka, Waxay go’aamiyeen in kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka 11- AAD uu xirmayo taariikh 22-KA Juun 2025, dibna u furmayo 22-KA Agosto 2025.
Guddoonka Labada Aqal BJFS, Waxay uga mahadcelinayaan Sanatarrada iyo Xildhibaannada Labada Aqal sida sharafta iyo qiimaha leh ee ay u guteen waajibaadkooda Dastuuriga ah muddadii lagu guda-jiray kalfadhiga 6-AAD ee Baarlamaanka 11-AAD, Waxayna Sanatarrada iyo Xildhibaannada u rajeynayaan in ay fasax ku soo dhamaystaan caafimaad iyo nabadgalyo.
Ugu dambeyn, Guddoonku wuxuu ku boorinayaa xubnaha labada Aqal in ay gutaan hawlaha loo idmaday xilliga uu xarin yahay Baarlamaanka BJFS, Sida uu qeexaayo qodobka 14-AAD farqadda 4-AAD xarfaha ( b, t, j, iyo x ) ee Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo qodobka farqadda 3-AAD ( a, b, c, iyo e ) ee Xeer-hoosaad Golaha Shacabka.