𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐐𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐎𝐎 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐋𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐄𝐄𝐃.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoonka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, oo ay hoggaaminaysay Guddoomiyaha Golaha HaweenkaQaranka, Marwo Naciima Ibraahim Yuusuf.

Guddoomiyaha, ayaa ugu horrayn si diirran u soo dhoweeyay xubnaha Golaha Haweenka Qaranka, isaga oo tilmaamay in haweenku yihiin laf-dhabarta bulshada iyo aas-aaska muhiimka u ah jiritaanka iyo horumarka qoyska iyo qaranka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in haweenka Soomaaliyeed ay yeeshaan gole si gaar ah uga shaqaysa horumarinta, ilaalinta iyo u doodista xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Guddoomiyuhu, isaga oo tusaalooyin iyo dhacdooyin muhiim ah u soo qaatay kartida, kaalinta iyo awoodda haweenka Soomaaliyeed, ayaa xusay doorka muuqda ee ay haweenku ku leeyihiin nabadeynta, horumarinta bulshada iyo dowlad-dhiska dalka, isagoo ballan qaaday inuu kala shaqeeynayo aragtiyaha iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga, nabadda, dowlad-wanaagga iyo wada-shaqeynta bulshada, si loo horumariyo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda, bulshada iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Previous AQALKA SARE OO ANSIXIYAY XUBIN CUSUB OO GUDDIGA XUQUUQUL INSAANKA AH, AKHRINTII KOOWAADNA MARIYAY LABA HINDISE-SHARCIYEED.

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.