๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐“๐ข๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐ž, ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐ž๐› ๐ฌ๐ข ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ ๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐š๐ง ๐œ๐š๐ฅ๐ž๐ž๐ฆ๐จ-๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐ก๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ .

Dhuusamareeb, 04, Nofeembar 2026; Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug, si ay uga qeybgalaan munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Wafdiga, oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sanatarro iyo masโ€™uuliyiin kale, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb si diirran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), iyo masโ€™uuliyiin kale oo isugu jiray heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Intii uu wafdigu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, Guddoomiye Timacadde iyo xubnaha wafdigiisa ayaa waxaa booqasho iyo salaan ugu yimid Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, kaas oo uga mahadceliyey booqashadooda iyo sida ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.

Previous SANATARRADA GOLAHA AQALKA SARE OO MEEL-MARIYAY HINDISE SHARCIYEEDKA HAY’ADDA MAARAYNTA DEEGAANKA. All posts

Leave Your Comment