𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐒𝐔’𝐀𝐀𝐋𝐎 𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐘𝐃𝐈𝐈𝐘𝐀𝐘 𝐗𝐈𝐒𝐀𝐀𝐁-𝐗𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐌𝐈𝐈𝐒𝐀𝐀𝐍𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃𝐀 𝟐𝟎𝟐𝟓-𝐊𝐀.

Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), oo ku howlan ka soo talo-bixinta warbixinta xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025-ka, ayaa maanta kulan wadajir ah ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka oo ay si wadajir ah u shir-guddoominayeen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, ayaa su’aalo lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Gige, iyo xubnihii kale ee la socday.

Su’aalaha la weydiiyay ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray habka loo maareeyo dakhliga aan ku jirin miisaaniyadda, kharashaadka dheeraadka ah ee ay isticmaalaan hay’adaha dowladda, saamiga iyo dakhliga ka soo xarooda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho, deeqaha dibadda iyo arrimo kale oo muhiim ah, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Gige, iyo xubnihii kale ee la socday ay mid mid uga jawaabeen dhammaan su’aalihii laga waydiiyay xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025-ka.

Su’aalaha Wasiirka la weydiiyay ayaa ka dhashay dib-u-eegis qoto dheer oo ay Guddiyada Maaliyaddu ku sameeyeen xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025-ka, iyo warbixinta baarista ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, iyadoo la raacayo qodobka 45-aad ee Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (Lr. 2019).

Previous 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐓𝐢𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐞, 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛 𝐬𝐢 𝐚𝐲 𝐮𝐠𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐥𝐞𝐞𝐦𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠. All posts

Leave Your Comment