GUDDIGA ARRIMAHA GUDAHA OO KULAN ISLA-XISAABTAN AH LA QAATAY HAY’ADDA MAAREYNTA MUSIIBOOYINKA QARANKA

Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka Sare oo gudnaya waajibaadka ka saaran korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta xafiiskooda Aqalka Sare ugu yeeray Masuuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Kulanka oo ay shir guddoominaysay guddoomiyaha Guddiga Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa ugu horrayn warbixin guud looga dhagaystay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Moallim Cabdulle, iyadoo sidoo kale wax laga waydiiyay gurmadka noocyada gargaar ee Hay’adda soo gaaray, sida ay uga jawaabaan xaaladaha deg dega ah, caqabadaha haysta iyo su’aalo kale oo muhiim ahaa.

Previous GUDDIGA KHAYRAADKA QARANKA OO KULAN ISLA-XISAABTAN AH LA QAATAY WASIIRKA WASAARADDA XANNAANADA XOOLAHA XFS .

Leave Your Comment

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu matalaa Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isagoo leh awoodo la xiriira  sharci dejinta, ilaalinta nidaamka federaalka, iyo kormeerka hawlaha dowladda, sida ku cad Dastuurka.

Shibis, KM-0 Mogadishu Somalia

Sabti– Khamiis: 8:00 am – 4:00 pm

© 2026 Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.