𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐉𝐅𝐒, 𝐎𝐎 𝐒𝐀𝐅𝐀𝐑 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 𝐊𝐔 𝐓𝐀𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐆𝐀𝐀𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐊𝐈𝐒𝐌𝐀𝐀𝐘𝐎.

Xubno ka tirsan guddiyada haweenka labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo ay hoggaaminayso Guddomiyaha guddiga haweenka Aqalka Sare Sanatar Sareedo Maxamed Jayte, ayaa safar ku gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ay Kismaayo ku gaareen ayaa booqday Wasaradda haweenka Jubbaland iyagoo masuuliyiinta wasaaradda ka dhageystay warbixinno ku saabsan howl maalmeedka wasaaradda arrimaha haweenka, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Sidoo kale xubnaha guddiyada haweenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga haweenka Jubbaland oo ay ka xog-waraysteen arrrimaha haweenka ku dhaqan Jubbaland.

Dhanka kale xubnaha Guddigu waxay kormeer ku sameeyeen Wasaaradaha Waxbarashada, Haweenka, Caddaaaladda iyo xarumaha ururada Haweenka dowlad goboleedka Jubbaland.

Ujeeddada kormeerka ay xubnahu sameeyeen wuxuu ku saabsanaa sidii looga wada shaqeyn lahaa dardar-gelinta iyo casriyeynta arrimaha xuquuqda haweenka iyo awood siintooda, iyagoo xubnaha guddigu ay warbixinno gaar-gaar ah ka dhagaysteen masuuliyiinta iyo shaqaalaha ay la kulmeen.

Xubnaha haweenka Baarlamaanka JFS oo ku sii guda jira waajib gudashadooda, ayaa kulan la qaatay Guddiga Joogtada Golaha Wakiilada Jubbaland oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka shaqo iyo dejinta sharciyo kaabaya haweenka Jubbaland.

Sidoo kale Guddiyada haweenka Baarlamaanka JFS, ayaa ururada bulshada rayidka Jubbaland u qabtay madal furan oo ay ku wadaageen doodo falanqayn iyo aragti ku saabsan doorka haweenka ee ka qayb galka siyaasad loo dhan yahay.

 

Ugu danbayn, xubnaha guddiyada haweenka ee Baarlamaanka JFS, ayaa kulan gaar ah kula qaatay xarunta madaxtooyada Jubbaland Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka oo ay Madaxweynaha ku wehellinayeen guddoonka Baarlamaanka Jubaland ayuu Madaxweynahu xubnaha haweenka Baarlamaanka Fedaraalka uga mahad celiyay safarka shaqo oo ay ku yimaadeen Jubaland iyo kulamadii miro-dhalka ahaa ee ay la yeesheen Wasaaradaha, hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.