𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐍𝐊𝐀 𝐋𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐆𝐎𝐋𝐄 𝐄𝐄 𝐁𝐀𝐀𝐑𝐋𝐀𝐌𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐀𝐑𝐑𝐈𝐍𝐒𝐀𝐃𝐀𝐘 𝐐𝐀𝐁𝐀𝐍𝐐𝐀𝐀𝐁𝐀𝐃𝐀 𝐅𝐔𝐑𝐈𝐓𝐀𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐀𝐋𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝟓-𝐀𝐀𝐃.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyo guddoomiye Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta yeeshay kulan wadatashi ah oo looga arrinsaday dardar galinta howlaha shaqo ee Baarlamaanka iyo furitaanka Kalfadhiga 5-aad oo ay horyaalaan shuruuc badan oo aas-aas u ah dowladnimada yo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

kulanka waxaa kaloo goobjoog ahaa hab-dhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan iyo xoghayaha guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.